
Qorsheynta iyo isku-dubaridka Beerista 3 Miyan oo Geed oo xukuumadu Qorsheynayso in la Beero muda Xilideedkeeda.
Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa Furay Kulankanka Qorsheynta iyo isku-dubaridka Beerista 3 Miyan oo Geed oo xukuumadu Qorsheynayso in la Beero muda Xilideedkeeda.Kulankan Waxaa Soo Qaybgalay Gudoomiyaasha Gobolada, Maayirada Magaalooyinka waawayn Qaarkood, Wasiirka Wasaaradda Dawladaha hoose, Wasiir Dawlaha Waxbarashada,
Hay'addaha Bah Wadaagta shaqo la ah Wasaaradda iyo Ururada Maxaliga ah iyo kuwa Caalamiga ah, iyo Jaamacadaha Camuud, Jamacada Hargeysa iyo Machadka Shaqaalaha Dawlada ee CSI.
Kulankan ayaa lagu Qorsheenayaa Sidii 5 Sano ee Soo Socda loo Beeri lahaa Dhirtan oo ka mid ahayd balanqaadyadii Xukuumada Xisbiga Waddani si loo gaadho Deegaan Cagaaran Oo Ilaashan.