
Kulan Wadatashi oo ay wada yeesheen Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda iyo Hayádda FOA
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Mudane Mohamed Abdilahi Duale ayaa Maanta Furay kulan Wadatashi oo ay yeesheen Wasaaradda Deegaanka iyo Hay'adaha Qaramadda Midoobey u qaabilsan Beeraha ee FAO.Kulan Hawleedka ayaa lagu falanqeeyey Masuuliyadda iyo Mudnanta Labada dhinac, halkaasi oo hoosta laga xariiqey mudnaanaha ugu waaweyn ee laga wadashaqeyn karo iyada oo laga duulayo Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland NDP III.
Agaasimaha Guud ayaa xusay sida ay Muhiimka u tahay in Dhamaan Hay'aduhu ay ku shaqeeyeen Mudnaanaha Qaranka Somaliland uu u dejiyey in wax laga qabto.
Masuul ku Hadlaayey Magaca Hay'adda FAO ayaa isna wasaardda deegaanka ku amaanay Dedaalka ay ugu jirto Ilaalinta Deegaanka iyo weliba Qorshayaasha iyo Hawlaha ay Wasaaradda Deegaanku Dooneyso in wax lagala qabto isagoona sheegay inay wasaaradda kala hawlgali doonaan Mudnaanaha iyo Qorsheyaasha ay Wasaaradu soo bandhigtay ee Dhinaca Ilaalinta Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.
Ugu dambeyn, Kulan Hawleedka oo Hal Maalin ahaa ayaa ku soo dhamaaday isfahan wanaagsan.