
Shirkadda Somgass Ayaa Qiimo Dhimis ku sameysey 5000 hamood oo ah kuwa 6KG
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda Somaliland Marwo Shukri X. Ismaaciil Baanddare oo uu wehelinayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Abdilahi Dualeayaa daah-furtay mashruuc ay shirkada SOMGAS qiimo dhimis 50% ah ugu samaysay in ka badan 5000 oo haamood oo ah kuwa 6KG ah iyo qalabkoodii. Qiimaha hore ayaa ahaa $42, halka hadda laga dhigay $21
. Qiimo dhimistan oo socon doonta muddo soddon maalmood ah ayaa waxa maalgalisay Shirkada Telesom Group Foundation.
Mashruuca oo loola jeedey sii loo yareyo isticmaalka Dhuxusha oo iyo hoos loo dhigo Isbedelka Cimiladda.




