
Shirkii Todobaadlaha ahaa oo ka qabsoomey Xarunta Wasaaradda Deegaanka
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimilada Mudane Abdulahi Jaamac cismaan (Geeljire) wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka dr. maxamed awdaahiroo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaardda Deegaanka Abdirisaq jaamac nuur (Naakhude) kulan la yeeshay Agaasime Waaxeedyada Wasardda deegaanka,
kulankan ayaa laga wadahadlay Diyaarinta Qorshayaasha Wasaardda deegaanka iyo isbedelka cimilada ee sanadkan 2025 shaqooyinkii sanadkii hore qorsheynaa wixii laga qabtay iyo shaqooyinka baaqday ee aan qabsoomin.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray Muhiimada ilaalinta Deegaanku u leedahay dalka, Masuuliyiintu waxay isla garteen in la xoojiyo wacyigelinta bulshada iyo hirgelinta sharciyada ilaalinta deegaanka si loo yareeyo xaalufinta iyo Dhibta loo geysto deegaanka wax ka qabashadda isbedelka Cimilada, ilaalinta Duur-joogta iyo Daadajinta shaqada ee heer Gobol.
Kulankan ayaa qayb ka ah ballanqaadkii xukuumadda ee ku aadanaa inay diiradda saarto horumarinta tiirarka muhiimka ah, gaar ahaan deegaanka iyo isbedelka Cimilada.
Wasiirka ayaa ku boorriyay dhammaan agaasime waxeedyadda Wasaaradda inay xoojiyaan dadaalkooda si loo gaaro Balanqaadyadii Xukuumada ee 100 maalmood.
Shirarkan lagu Dardargelinaayo Shaqada Wasaaradda Deegaanku u hayso qaranka noqon doona mid Todobaadle ah oo wax layskaga Waydiiyo hadba halka ayaa maraayaan Shaqooyinka u Qorsheysan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.