Tababar Ku Saabsan Hoggaaminta oo Lagu Qabtey Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.

Tababar Ku Saabsan Hoggaaminta oo Lagu Qabtey Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Maanta oo tariikhdu tahay 05/08/2025  ayaa xarunta wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada lagu qabtay tababar muhiim ah oo ku saabsan hoggaaminta (leadership) iyo doorka hoggaamiyaha (leader-ka). Tababarkan oo socon doona muddo labo maalin ah  ah ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin, shaqaale sare, iyo qeybaha kala duwan ee wasaaradda.
Furitaankii tababarka ayaa waxaa si rasmi ah u daah-furey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, kaas oo ka hadlay muhiimada ay leedahay hoggaaminta Wanaagsan iyo in tababarrada noocan oo kale ah ay sare u qaadaan aqoonta, xirfadda, iyo hannaanka go’aan qaadashada ee shaqaalaha wasaaradda.

Tababarka waxaa bixiyay khabiir sare oo ku takhasusay hoggaaminta iyo horumarinta shaqaalaha, 
kaas oo diiradda saaray mowduucyada muhiimka ah sida:
* Astaamaha hoggaamiye wanaagsan
* Sida loo kobciyo kalsoonida shaqaalaha
* Horumarinta xiriirka shaqo ee gudaha Wasaaradda 
* Xalinta khilaafaadka iyo qaadashada go’aanno waxtar leh
* Doorka hoggaanka ee maaraynta isbeddelka cimilada.

Ujeedada tababarku waxay ahayd in la xoojiyo kartida hoggaamineed ee shaqaalaha si ay ugu adeegaan bulshada si hufan oo waxtar leh, iyagoo isla markaana hoggaan u noqda qorshayaasha horumarineed ee wasaaradda.