Wafti uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud, o ay ka mid ahayeen Agaasimaha Waaxda Ilaalinta Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyo qaar ka mid ah Lataliyayaasha Wasaaradda oo kenyaa u tagey shir.


Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cabdi Cali Maxamed, oo ay wehliyeen Agaasimaha Waaxda Ilaalinta Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Aadan Axmed Xasan, iyo qaar ka mid ah Lataliyayaasha Wasaaradda, ayaa safar shaqo ku jooga dalka Kenya.
Ujeeddada safarkan ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhaxeysa Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Baanka Adduunka,
gaar ahaan qaybta u qaabilsan Maaraynta Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
Waftiga Wasaaradda ayaa kulammo muhiim ah la yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Baanka Adduunka,
kuwaas oo ay kala hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada baanka ee dhinacyada dhismaha nidaamka maaraynta deegaanka,
tayeynta aqoonta la xidhiidha deegaanka, iyo horumarinta shuruucda iyo siyaasadaha deegaanka.
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada waxaa ay adkaynaysaa muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta caalamiga ah si loo gaaro yoolalka horumarineed ee waara.