Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimiladu, waxa ay maanta oo ay taariikhdu tahay 29.11.2025 qabatay shirka Guddida Talo-bixinta Horumarinta joogtaysan (GTHJ),

Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimiladu, waxa ay maanta oo ay taariikhdu tahay 29.11.2025 qabatay shirka Guddida Talo-bixinta Horumarinta joogtaysan (GTHJ), ama (Sustainable Development Advisory Committee), oo ka kooban 12 xubnood oo heer Wasiir ah, sida ku cad Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr.79/2018. Qodobka 6aad. Shirkan oo loo asteeyay in la qabto 3dii biloodba hal mar.
Ujeeddada guud ee Guddida La-talinta Horumarka joogtaysan waa in la xoojiyo isku-duwidda iyo hirgelinta siyaasadaha deegaanka iyo u adkaysiga isbeddelka cimilada ee Somaliland. Waxa kale oo guddidan loo aas-aasayaa sidii loo samayn lahaa madal muhiim ah oo iskaashi ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada (MoECC) iyo hay’adaha kale ee dawladda, si loo hubiyo in siyaasadaha iyo mashaariicda deegaanka ay la jaanqaadaan yoolalka horumarinta waara. Guddidu waxa ay kaalin muhiim ah ka ciyaari doontaa aqoonsiga caqabadaha, soo jeedinta talooyin siyaasadeed, iyo kormeerka hirgelinta, si loo ilaaliyo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland loona xaqiijiyo bedqabka deegaanka ee mustaqbalka fog.
Shirka waxaa ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan xubnaha Guddida La-talinta Horumarinta joogtaysan oo ay ka mid ahaayeen:-
1. Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo isbeddelka cimilada, oo gudoominayay shirka isla markaana soo xidhay shirka.
2. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.
3. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
4. Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha & Horumarinta Reermiyiga.
5. Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha.
6. Guddoomiyaha Hay`adda Dhoarista Tayada Qaranka
7. Xubin Guddiyada Arrimaha Deegaanka ee Golha Guurtida (Baarlamaan).
8. Guurtida Ka socoda (Aqalka Sare) ee Baarlamaanka iyo
9. Agaasimaha Guud Wasaaradda Degaanka iyo isbeddelka cimilada
10. Agaasime Waxeeddada iyo la taliyaha Wasaaradda Degaanka iyo isbeddelka cimilada
Intii shirku socday waxaa laga wada hadlay oo la isla qaatay inay jiraan caqabado badan oo hortaagan hirgelinta siyaasadaha iyo barnaamijyada la xidhiidha deegaanka. Loona baahan yahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda deegaanka iyo hay’adaha dowladda, iyo daneeyayaasha ama saaxibada ay wada shaqeynta leeyihiin si loo hubiyo in siyaasadaha iyo mashaariicda deegaanka ay la jaanqaadaan yoolalka horumarinta waarta. Guddigu waxa uu kaalin muhiim ah ka ciyaari doonaa aqoonsiga caqabadaha, soo jeedinta talooyin siyaasadeed, iyo kormeerka hirgelinta, si loo ilaaliyo khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland loona xaqiijiyo bedqabka deegaanka mustaqbalka fog.