
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qeyb galay shir weyn oo caalami ah oo loogu magac daray Green Hydrogen Summit
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qeyb galay shir weyn oo caalami ah oo loogu magac daray Green Hydrogen Summit, kaas oo lagu qabtay waddanka Koonfur Afrika.Shirkan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta tamarta cagaaran, gaar ahaan hydrogen-ka cagaaran, oo ah nooc ka mid ah tamarta cusub ee laga helo biyaha iyadoo la adeegsanayo koronto laga soo saaro ilaha tamarta la cusboonaysiin karo sida qoraxda iyo dabaysha.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga dooday fursadaha iyo caqabadaha la xidhiidha ; Horumarinta tamarta laga helo ilaha dabiiciga ah ee aan dhammaaneyn sida qoraxda iyo dabaysha,Yaraynta qiiqa carbon dioxide (CO₂) iyo Kordhinta iskaashiga caalamiga ah ee la dagaalanka isbeddelka cimilada iyo hirgelinta mashaariicda tamarta nadiifka ah.
Wasiir ku-xigeenka ayaa khudbadiisa shirka ku soo bandhigay dadaallada Dowladda Somaaliland ay ku hormarinayso ka faa'iideysiga tamarta la cusboonaysiin karo iyo qorshayaasha lagula tacaalayo saameynta isbeddelka cimilada ee ka jira dalka.
Shirka Green Hydrogen Summit ayaa noqday madal muhiim u ah dalalka Afrika iyo guud ahaan beesha caalamka si ay uga wada hadlaan sidii loo heli lahaa xalal waara oo lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada, loona horumarin lahaa dhaqaalaha cagaaran.