Wasiirka iyo Agasimahaa Guud oo Safar shaqo ku Tagey Magaalada Gabiley

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda iyo Agaasimaha Waaxda Dhirta iyo Daaqa ayaa safar shaqo u tagey Magaaladda Gabiley, Waxana magaaladda ku soo dhoweeyeey Badhasaab ku-xigeenka Gobolka, Guddoomiyaha Golaha degaanka ahna Duqa magaalada Gabiley iyo Isuduwaha Wasaarradda ee gobolka, halkaas oo Wasiirka iyo agaasimaha Guud si wada jir ah uga Dhagax dhigeen Xarunta Dhir Kobcinta oo ay magaaladda Gebiley Yeelan doonto. Xarunani waxay noqon doontaa xaruntii 14aad oo wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladu yeelato oo si buuxda u shaqaysa.

Intaas ka dib Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimiladu Waxay Kormeer ku sameeyeen Dhirta kala Duwan ee Ku taalla Gudaha Magaalada Gabilay ee dawladda hoose beertay Iyo dooxa dugsiga Qalax oo dawladda hoose gaabyan ku xidhay si aanu ugu fidin dugsigaas.