
Wasiirka Wasaarada Degaanka iyo Isebdelka Cimilada , ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 4.12.2025 kulan kula yeeshay xafiiska xafiiska wasiirka Mr. Lionel Laurans, UNDP Representative.
Wasiirka Wasaarada Degaanka iyo Isebdelka Cimilada Mudane Abdilaahi Jama Osman, oo ay wehelinayaan lataliyaasha wasaaradda, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 4.12.2025 kulan kula yeeshay xafiiska wasiirka Mr. Lionel Laurans, UNDP Representative, oo weheilniyaan teamka UNDP Hargeisa, Samiira Hassan, iyo Abdi Abokor.
Intii shirku socday Wasaarada Degaanka iyo Isebdelka Cimilada waxay soo badhigtay qabyo-qoraalka kama dambaysta ah ee Istaraatiijiyadda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Somaliland (2026–2030), oo lagu sameeyay taageerada dhaqaale ee UNDP. Dukumentigani wuxuu matalayaa wejiga xiga ee ballanqaadka Somaliland ee ku aaddan adkeysiga cimilada, ilaalinta deegaanka, iyo kobaca cagaaran. Aad ayaan uga mahadcelineynaa dib u eegistaada khabiirnimo iyo jawaab celintaada ka hor inta aan la dhammaystirin, laga yaabee 9-ka Diseembar 2025.
Documentigan Strageyga ee Wasaarada Degaanka iyo Isebdelka Cimilada ayaa lagu soo badhigi doonaa madal lagu ansixinayo oo ay kasoo qeybi gelin doonaan daneeyayaasha la shaqeeya wasaaradda dhowaan.
