Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa kormeer ku tegay Warshadda Fayo-dhowrka Aasaasiga ah ee Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo ay weheliyaan Agaasimaha Waaxda Fayadhowrka Magaalooyinka iyo Agaasimaha Waaxda Isbeddelka Cimilada, ayaa kormeer ku tegay Warshadda Fayo-dhowrka Aasaasiga ah ee Hargeysa.
Warshaddaas oo ah mid muhiim u ah ilaalinta deegaanka, waxaa lagu farsameyn doona qashinka dareeraha ee ka soo baxa magaaladda Hargeysa, taaso wax badan ka tari doonta horumarinta nidaamka fayo-dhowrka iyo ilaalinta Deeganka.
Wasiirka waxaa goobta kusoo soo dhoweyeyeey Mareeyaha Wakaalada Biyahaa ee Hargeysa,
Iyadoo la isla gorfeyeey sidii loo horumarin lahaa adeegyada fayo dhowrkaa,ilaalinta deegaanka iyo isbedelka cimilada.