
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL . ayaa Furay Shirka Ansixinta Dib-u-eegista Siyaasadda Qaran ee Deegaanka 2025, kaas oo lagu qabtay Huteel Ambassador – Hargeysa.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire). ayaa Furay Shirka Ansixinta Dib-u-eegista Siyaasadda Qaran ee Deegaanka 2025, kaas oo lagu qabtay Huteel Ambassador – Hargeysa.Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL ayaa maanta qabatay Shirka Ansixinta Dib-u-eegista Siyaasadda Qaran ee Deegaanka 2025, kaas oo lagu qabtay Huteel Ambassador – Hargeysa.
Kulankan waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire). Sidoo kale kulanka waxa ka soo qayb galay wasiirro iyo madax kale oo ka socday hay’adaha kala duwan ee dawliga ah.
Wasiirku waxa uu xusay muhiimada ay Siyaasadda Qaran ee Deegaanku u leedahay ilaalinta kaymaha, kheyraadka dabiiciga ah, maareynta deegaanka, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isu-duwidda hay’adaha ku shaqada leh arrimaha deegaanka.
