Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ayaa ka qayb galey shirka Saddex Biloodlaha ah ee Mashruuca Barwaaqo

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa maanta ka qayb-gashay shirka saddex biloodlaha ah ee mashruuca Barwaaqo, kaas oo ay goob joog ka ahaayeen xubnaha Golaha Wasiirada ee Wasaaraddaha uu ka shaqeeyo Mashruucaasi.
 
Mashruuca Barwaaqo oo u maal geliyo Baanka aduunku ayaa waxa uu ka shaqeeyaa Wasaaraddo kala duwan kuwaasi oo sadexdii biloodba hal mar isugu yimaada shirka maanta qabsoomay oo kale .
 
Shirkani intii uu socday waxa ay xubnaha Wasiirada ahi dib u eegis ku sameeyeen waxyaabihii u qabsoomay iyo sidi loo dar dar gelin lahaa hawlaha qorshaysan inta ka hadhay sanadka 2024.
 
Sidoo kale intii shirku socday waxa halkaa warbixin guud ka jeediyaay xidhiidhiyaha mashruuca Eng. Maxamud Qawdhan iyo hormuudada wasaaradaha kala duwan ee Mashruucan.
 
Ugu danbayn waxa xubnaha Wasiirada oo uu gudoominayay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ahmed Maxamed Diiriye (toorno) ay bogaadiyeen unuga mashruuca wada ee (PIU) iyo siday wax u socdaan,Waxaana la isla qaatay in halkaa laga si wado shaqada baaxada leh ee maahruucu xambaarsan yahay .