Wefti uu hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa hawlo shaqo ku tagay Gobolka Togdheer, Wuxuuna kormeer ku tegay Seerayaasha Aroori iyo Ban Cawl.

Wefti uu hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa hawlo shaqo ku tagay Gobolka Togdheer, Wuxuuna kormeer ku tegay Seerayaasha Aroori iyo Ban Cawl.
Intii uu kormeerku socday, weftigu waxay La kulmeen Banka Aroori Galbeed, halkaas oo ay ku arkeen dhul si sharci-darro ah loo xidhay, kaas oo ku dhow Deegaanka Kala dhac. Sidoo kale, goobtaas waxaa lagu arkay dhir tiro badan oo la jaray, taas oo keentay walaac dhinaca deegaanka ah.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, oo ay weheliyeen isu-duwaha wasaaradda ee Gobolka Togdheer iyo masuuliyiin kale, oo goobta ka hadlay. Waxay sheegeen in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ka dambeysay jarista dhirta iyo xidhitaanka dhulka si aan sharci ahayn.