Xafladii Xilwareejinta Ee Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga

Waxaa maanta ka qabsoontay Xarunta Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, xaflad ay xilka kula wareegaysay ku simaha  agaasimah cusub ee WasaaraddaDeegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Cadaruus Muuse Ismacii lisago xilka ku wareejinayeey Agaasimaha Cusub ee looso Magcaabey Wasaaradda Deegaanka Cabdikariim Siciid Adan, Xafladan oo ay kasoo qayb galeen, wasiirka wasaaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, masuuliyiinta kala duwan ee Dawladda Hoose Berbera,  masuuliyiin ka socdey Hay'addaha maxaliga ah iyo dhamaan shaqale weynahaa wasaaradda Deegaanka. 

Dhanka kale Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Cabdikariim Siciid Adan , ayaa ugu Horayn u mahad celisay M/waynaha JSL xilka uu u Igmaday kuna faraxsantay inuu Wasaaraddani u soo magacaabo ,Mudane Cadikariim wuxuu  ilaahay ka baryeey inuu xilka ku asturo shaqaale waynahaynaha ka Codsatay in Garab istaagaan.
Ugu Danbayn waxa hadalka soo xidhay, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga isago tilmaamay wada shaqayntii Wanaagsanayd dhexmartay Agaasimihi horeMudane Cabdinasir Axmed Xirsi.