Xafladii Xilwareejinta Ee Agaasimahii Hore Ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga

Waxaa maanta ka qabsoontay xarunta Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, xaflad ay xilka kula wareegaysay ku simaha  agaasimah cusub ee WasaaraddaDeegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Cadaruus Muuse Ismaciil oouu kala wareegayeey Agaasimihii hore wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga mudane Cabdinasir Axmed Xirsi , Xafladan oo ay kasoo qayb galeen, wasiirka wasaaaradda Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga  iyo masuuliyiin kale iyo dhamaan Shaqaalahaa Waynaha Wasaaradda Deegaanka.

Agaasimihii Hore Ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa xusay wax-Qabadkii u Qabsoomay, muddadii Seddexda sano uu xilka hayay.
Dhanka kale ku simaha  Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Cadaruus Muuse Ismaciil, ayaa ugu Horayn u mahad celisay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga  xilka uu u Igmaday inta Agaasimihii badalilahaauu imanaayo.

Ugu Danbayn waxa hadalka soo xidhay, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga isago tilmaamay wada shaqayntii Wanaagsanayd dhexmartay Agaasimihi horeMudane Cabdinasir Axmed Xirsi.